Waa tuug tuug dhacay


Tuugo ayaa bangi weerartay kadibne mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay asagoo la hadlaayo dadki bangiga ku sugnaa waxaane aw yiri Hantida dowlada ayaa iska leh naftiina idinkaa iska leh isku daya naftiina inaad bad baadsataan.

Dadkii oo dhan dhulka ayay wadaa seexdeen Taasina waxaa la yiraahda inaad badali kartid habka ay dadka u fikiraan.
Qof haweeney ah oo dadwynihi bangiga ku sugnaa kamida ayaa si qaldan u jiifatay oo lugaha kala taagtay tuug tuugadi kamida ayaa meesha soo maray wuxuuna ku yiri fadlan ree magaal iska dhig meeshan kufsi maaha ee bangi ayaa la dhacaya ee si wanaagsan u jiifso.

Taasna waxaa la yiraahdaa shaqadada bes inaad muhimada kowaad siisid waxyaabo kalena aadan firin. Tuugadii markii lacagta ay qaateen ayaa tuug yar oo tuugada ku cusbaa ayaa u yimid tuugii waynaa asagoo dhahaayo lacagta aan tirino Tuugii waynaa oo sanado badan shaqadan ka shaqaynaaye ayaa waxa aw yiri ha is daalinin warbixinta oo dhan waxaanu ka ogaan donaa warka TVga laga sheegi doonee Taasna waxaa la yiraahda qibrad ayadana ka muhiimsan shahaadooyinka.

 Maamulihii bangiga joogay wuxu wacay kii ka sareeyay wuxuna yiri bangiga wala dhacay ee booliska ma usheegnaa? maamulihi waynaa wuxuu yiri maya 10malyan noo qaad ku dar 70 malyan oo horay noogu maqneed ku dar inta la ladhacay intaas booliska usheeg in bangiga laga dhacay Taasna waxaa la yiraahdaa inaad la danaalan kartid mowjadaha hirka.

 dhanka uu usocdo Maamuluhii hoose wuxuu yiri waxaa fiicnaan lahayd bishii mar hadii la dhici lahaa bangiga Taasna waxaa la yiraahdaa caajiska oo la iska baabiy,o dantaada gaarka ahna ay kaala wanaagsanaato mida guud.
 Habeenkii markii la gaaray TVga waxaa laga sheegay 100 malyan in bangiga laga dhacay.

 Tuugadii waxay bilaabeen inay tiriyaan lacagtooda mise waa 20 malyan kaliya waxay soo dhaceen markaasay xanaaqeen waxayna yiraahdeen intaan tuugo noqon lahayn oo nafteena halis galin lahayn waxa noo fiicneed inaan wax barano sababto ah 80 malayan ayay qaateen maamulayashi aygoo shaar cad Taasna waxa la yiraahdaa aqoonta waxay la qiimo badantahay dahabka.

 Maamulihi bangiga aad ayuu u faraxsanaa sababtoo ah qasairihiisa dhan wala kabay, oo dowladaa kabtay Taasina waxaa la yiraahdaa fursada inaad ka faidaystid oo khatar aad is galin kartid mararka qaar.

 Tuugada runta ah waa wasiirada iyo maamulayaasha iyo kuwa kale o badan ,laakiin waa tuugo shahaado wato qof aqli leh ayaa fahmi kara

#buttons=(Accept it!) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Check Now
Ok, Go it!